Sign in to follow this  
Deeq A.

Senegal oo ku guuleysatay koobka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16441871754694912.jpg?resize=720%

Senegal ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka kubbadda cagta qaaradda Afrika, kadib markii ay Masar uga adkaatay rigooreyaal.

Labada kooxood ayaa isku mari waayay waqtigii caadiga ahaa iyo waqtigii dheeriga ee lagu daray ciyaarta, taas oo sababtay in Senegal ay rigooreyaashii 4-2 ku adkaato.

Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa dhaliyay rigoorihii ugu dambeesay taasi oo keentay in Senegal ay guul-gaarto ka dib markii uu gool kulaad khasaariyay waqtigii caadiga ahaa.

Senegal ayaa laga badiyay labadii jeer ee ugu dambeysay oo ay ka soo muuqday finalka koobka qaaradda Afrika, hase ahaatee markan waxay hanatay markii ugu horreysay.

PUNTLAND POST

The post Senegal oo ku guuleysatay koobka Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this