Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Amniga Gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
3-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire ayaa Shir gudoomiyay Shirka amniga gobolka.

Mudug Shirkaan oo Asbuucla ahaa ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) Taliyaha Ciidamada isku dhafka Gobolka Mudug Puntland iyo Galmadug Cabdiqani yaasiin Maxamuud (Haanfari) Gudomiyaha Maxkamada darajada kowaad Cabdinasir maxamed cali iyo Laamaha amniga Taliyayasha Saldhigyada Taliyayasha Deegaanada Gobolka Mudug iyo Laamaha Taraafikada.

Shirkaan ayaa looga hadlayay Xaaladihii udanbeeyay ee Gobolka mudug warbixinada Laamaha amniga waxaa sidoo kale ka mid ahaa in si xoogleh loola dagaalamo khamriga iyo Argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Shirka Amniga Gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this