Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaanadii Caanka Ahayd Ee Xaliimo Gobaad Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Inay Iskaga Baxday Fankii.

Recommended Posts

Deeq A.   

Fanaanadii caanka ahayd ee Soomaalida Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa si rasmi ah u shaacisay inay iskaga baxday guud ahaan arrimaha fanka.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal rasmi ah oo ay kusoo daabacday facebook-geeda waxay ku sheegtay in ay si rasmi ah uga baxday fanka. kadib muddo dheer oo ay kusoo jirtay.

Gobaad oo kamid ahayd fanaaiinta aad loo jeclaa fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, waxay sheegtay inay illaahay dartii uga baxday fanka.

Ka bixitaankeeda fanka ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay shaacisay guurkeeda cusub.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal oo ay soo saartay waxa ay ku tidhi sida tan:

“Bismilah:

Aniga oo ah Xaliima Goobaad Markaan arkay aduunkaan in uu ahay Maalmo

MARKAAN XASUUSTAY XADIISKII N.M. CaleyHi salaatu wasalaam ee ahaa

Hadii aad galabeysataan Hasugina in uu waaga idiin baryaayo Hadii subaxeysataan hasugina in aad galab gaareysaan waxaan go,an saday in aan iska joojiyo fanka taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Alla oo Raali iga Noqda ayaa muhiim Ii ah

Wabillaah towfiiq”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this