Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo Kula Kulmay Addis Ababa Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shir Madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika la qaatay raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee Villa Somalia kulankan ayaa labada dhinac waxa ay kaga wadahadleen xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this