Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriyaha Goobjoog oo Ka Warbixinaya Xaaladda Cakiran ee Baladweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka xirxiran caasimadda Hiiraan ee Baladweyn iyada oo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda labada heer ay daadsan yihiin gudaha magaalada.

Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn ayaa sheegaya in xaaladda ay sidaasi aheyd ilaa xalay, kadib markii goob walba la dhigay ciidamo badan, oo taabacsan dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka.

Ciidamadan oo isugu jira militari rasmi iyo qaar aan rasmi aheyn,  booliis iyo kooxo kale ayaa la wareegay magaalada iyaga oo abuuray xaalad cabsi.

Weriyaheenna oo la hadlay qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa waxaa ay u sheegeen in ciidamadan ay wadaan caburin iyo in xoog lagu meelmariyo arrimo kasoo horjeeda rabitaankooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xirxiridda magaalada ay horudhac u tahay imaanshiyo la filayo madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Wixii warar ah kala soco halkan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this