Sign in to follow this  
Deeq A.

Baraawe oo La Shaaciyey Odeyaasha Xulaya 13 Kursi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Ergada dooranaysa 13 kursi oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo lagu wado in ay ka dhacdo magaalo Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, 13-14 bishaan February 2022-ka.

Guddiga ayaa waxaa uu shaaciyey magacyada 65 Odayaal dhaqan, kuwaas oo soo kala xulaya Ergada dooranaysa 13-ka kursi ee lagu dooranayo magaalada Baraawe, waxaana heer gababa ah maraya doorashada golaha shacabka ee  doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo kuraastii ugu badnaa lagu doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

                                                           Halkaan Ka Akhriso Liiska magacyada

 

akhriso magacyada guddiyada soo xulaya ergada 13 kursi oo lagu dooranayo baraawe

akhriso magacyada guddiyada soo xulaya ergada 13 kursi oo lagu dooranayo baraawe

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this