Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic culus oo lagu weeraray GAROONKA diyaaradaha Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in goordhow ciidamada la magac baxay Kacdoonka Hiiraan ay madaafiic xoogan ku garaaceen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaas, kaas oo la filayo inuu maanta ka dago madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaafiicda oo qaarkood ku hoobatay garoonka iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa xigtay hoobiyeyaal kale oo ay ku jawaabeen ciidamada Jabuuti ee ku sugan garoonkaasi.

Sidoo kale waxaa is rasaaseyn kooban ay ka dhacay magaalada, taas oo u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda safarka Cali Guudlaawe.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka madaafiicda ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya magaalada, iyaga oo xiray inta badan waddooyinka, halka duleedka ay ku sugan yihiin ciidamada gadoodsan.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen guud ahaan magaalada, sida ganacsiga, isku socdka dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaa, balse waxaa marar badan dib u dhac ku yimid safarka madaxweynaha HirShabelle, sababo la xiriira xiisadda ka jirta Beledweyne.

Si kastaba, booqashada la filayo in Cali Guudlaawe ku tego Beledweyne ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Muqdisho uu ku sugan yahay Xuud oo si weyn uga soo horjeeda HirShabelle, isaga oo sheegay in hadda la sameynayo dadaalada lagu dib mareeynayo.

The post Madaafiic culus oo lagu weeraray GAROONKA diyaaradaha Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this