Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu wado in uu maanta gaaro Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Guudlaawe.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay in uu maanta gaaro magaaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararku waxay sheegayaan in ay magaalada Beledweyne ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo lagu diidanyahay socdaalka Madaxweyne Guudlaawe sidoo kalena ay jiraan dad loo diyaariyay in ay soo dhoweeyaan.

Cali Guudlaawe ayaa dhawr jeer oo hore ka baaqday socdaalka Beledweyne kadib markii xiisad ka dhalatay imaatinkiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu wado in uu maanta gaaro Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this