Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar culus oo madaafiic ah ayaa goor dhowayd lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne halkaas oo lagu wado in uu maanta ka soo dego Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ciidamada Garoonka ayaa hubka culus kaga jawaabay madaafiicda lagu soo riday Garoonka welina faahfaahin lagama hato khasaaraha ka dhashay.

Wararku waxay sheegayaan in ay magaalada Beledweyne ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo lagu diidanyahay socdaalka Madaxweyne Guudlaawe sidoo kalena ay jiraan dad loo diyaariyay in ay soo dhoweeyaan.

Cali Guudlaawe ayaa dhawr jeer oo hore ka baaqday socdaalka Beledweyne kadib markii xiisad ka dhalatay imaatinkiisa.

PUNTLAND POST

The post Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this