Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilkii Rayan Ee Ceelka Laga Soo Saaray Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Morocco)-Boqortooyada Morocco ayaa sheegtay inuu geeriyooday wiilkii Rayan ee laga soo saaray ceel uu ku go’doonsanaa.

Wiilkan oo 5 jir ah ayaa muddo cisho ah ku dhexjira ceelkan uu ku dhacay, waxaana shaqaalaha gurmadku ay sameeyeen hawl-gal adag oo ay wiilkaasi ku badbaadinayeen.

Boqortooyada ayaa sheegtay in Rayan uu geeriyooday inta aanay kooxaha samatabixintu ugu tagin godka uu ku xannibnaa.

Howlgalka samatabixinta ayaa dunida, gaar ahaa waddamada Muslimka si weyn looga daawanayay, iyagoo dadku ay ka werwersanaayeen wiilkaasi, kuna duceynayeen in Alle isagoo badqaba bannaanka u soo saaro.

Boqorka Morocco ayaa u tacsiyadeeyay waalidka dhalay Rayan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this