Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo shaaciyey in xaaladda gobalka Tigray ay sii cakirantay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed oo shaaciyey in xaaladda gobalka Tigray ay sii cakirantay

abiy-2.jpg

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay go’aanka dowladdiisa ay ku xaqiijinayso in nabad waarta ay ka dhalato dalkaas kaddib shan iyo toban bilood oo dagaallo ah. Isagoo khudbad u jeedinayay hogaamiyayaasha shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa Abiy Axmed waxaa uu sheegay in colaadda gobolka Tigray ay sii cakirantay faraglinta shisheeye.

Maraykanka,wadamada Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa si joogta ah u iftiimiyay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ay geysanayaan dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya gobalka, taasoo ka careysiisay madaxda Itoobiya. Abiy ayaa ku baaqay in loo baahanyahay in caqabadaha Afrika xal loo helo wuxuuna sidoo kale dhaleeceeyay warbaahinta reer galbeedka ee dhanka tabinta dhacdooyinka Afrika.

Shirkaan Midowga Afrika waxaa sidoo kale looga hadli doonaa musiibada covid-19 iyo isbadalka cimilada dunida.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this