Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Baladweyne Oo Kacsan iyo Guudlaawe Oo Maanta Tagaya!

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka oo Axad ah xiran inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Baladweyne .

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gor gor iyo Haramacad oo dhawaan la geeyay magaalada ayaa lagu arkaya saaka waddoyinka, iyagok raxan raxan u socda.

Xirnaashaha waddooyinka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ahaa lagu sheegay in la filayo in magaalada uu soo gaaro madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Guudlaawe ayaa muddo dhowr jeer ah horay uga baaqday in magaalada uu gaaro, kadib markii si adag ay uga hor yimideen dadka deegaanka.

Lama oga in maanta uu suuragalayo qorshaha tagitaanka magaalada ee madaxwehnaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidama ka amar qaata Farmaajo ayaa dhawaan magaalada la geeyay, iyadoo wararka ay sheegayaan in la Guudlaawe magaalada uu si xoog ah lagu geeyo.

Guudlaawe oo muddo sanad kabadan ah madaxweynaha Hirshabeelle ayaan illa iyo hadda la caleemo saarin kadib markii ay doorashadiisa diideen dadka degan gobalka Hiiraan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this