Sign in to follow this  
Deeq A.

Rayan oo dhintay ka hor inta aan la badbaadin

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220206_011242108.jpg?resi

Rayan Awram oo ahaa wiil shan jir ah oo shan maalmood ku jiray ceel ku yaal waqooyiga dalka Marooko ayaa dhintay ka hor inta aan la badbaadin.

War ay baahisay warbaahinta dowladda Marooko ayaa lagu sheegay in wiilka uu dhintay ka hor inta aan la badbaadin. Boqorka Marooko Mohammed VI ayaa u tacsiyeeyay waalidka wiilka.

Shaqaalaha gurmadka ayaa ku dadaalay habeen iyo maalin in ay badbaadiyaan ilmaha shan jirka ah ee ku xayirnaa ceel dheer oo 32 mitir ah.

Dhibaatada wiilka yar ee Marookiyaanka ah ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka.

PUNTLAND POST

The post Rayan oo dhintay ka hor inta aan la badbaadin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this