Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Caruura Oo Walaalo Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle haw naxariistee saddex carruura ayaa ku dhintay, halka mid kalena ku dhaawacmeen dab ka kacay guri jiingada oo ku yaalla agagaarka Madaarka Boorama ee degmada Sheekh Cismaan.

Ciidanka Dab-demiska Boorama oo goobtaas gaadhay ayaa gurmad u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna la sameeyay samatabixinta iyo in maydka laga soo saaro guriga.

saddexda caruur ah ee dabka ku dhintay ayaa kala ahaa :

Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo 3 Sanno jirtay iyo Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bilood jirtay.Halka labada dhaawaca ah ay kala ahaayeen Muxumed Sheekh Muuse oo 5 sanno jiray iyo Khaalid Sheekh Muuse oo 8 sanno jiray.

Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana dhaawacii iyo dhimashadii la gaadhsiiyay cisbitaalka, Halkan hoose ka daawo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this