Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug: 8 Kursi oo Cusub oo La Shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug  ayaa shaaciyey qabashada doorashada 8 kursi, kuwaas oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah, taas oo ka dhici doonta magaalada Dhuusamareeb.

Kuraasta la shaciyey ayaa waxaa doorashadooda lagu wadaa in ay dhacdo 13-ka ilaa 14-ka bishaan, kuraasta HOP048, HOP053 iyo kursiga HOP081 ayaa waxaa ay yihiin kuraas loo xiray qoondada haweenka, ay ku leeyihiin golaha shacabka.

Doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa ay soo gaartay qeybihii ugu dambeeyey guud ahaa maamullada dalka ka jira iyadoo maalinta loo asteeyey ay tahay 25-ka bishan February in doorashadu soo dhammaato.

 

QQ.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this