Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo ka soo kordhay Soomaalidii Tahriibayaasha aheyd ee Meydadkooda laga helay xadka Giriigga

Recommended Posts

Deeq A.   

War cusub oo ka soo kordhay Soomaalidii Tahriibayaasha aheyd ee Meydadkooda laga helay xadka Giriigga

 tahriib.jpg

Wararka ka imnaya dalka Turkiga ayaa tibaaxaya in dadkii qabowga barafka ugu dhintay xadka u dhexeeya dalkaas iyo Giriigga oo markii hore laba ka mid ah la xaqiijiyey in ay afar kamid ah Soomaali yihiin, haatanna waxa kale oo la gartay laba kale oo meydadkaas ka mid ahi yihiin Soomaali,, sida uu BBC Somali u xaqiijiyay Cabdullaahi Xuseen Aadan (Abtidoon) oo ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga.

Turkiga ayaa saraakiisha xadka ee Giriigga waxa uu ku eedaynayaa in kooxdaasi uu xoog dib ugu soo celiyay xadka, sidaasna ay ku timid dhimashadooda, halka Giriiggu uu arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this