Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur-galbeed : Shirka Amniga Doorashada Oo Lagu Qabtay Magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ka dhacay shir looga hadlay amniga doorashada oo dhwaan la filaayo in ay ka bilaabato doorashada 13 kursi oo ka tursan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka.

Guddoomiyaha Baarlamanka dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomalaiya Cali Siciid Fiqi ayaa shir ayaa shirka qayb ka ahaa, waxaana sidoo kale kasoo qayb galay saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Soomalaiya iyo kuwa ka tirsan AMISOM.

Waxaana shirka inta badan diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa ammanka guud ee magaalo xeebeedka Baraawe, taas oo la filaayo in maalinta talaada ah ee soo aadan ay ka bilaabato doorashada 13 kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this