Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad Lagu Soo Oogay Haweeney Soomaali Oo wiil yar oo Ay Dhashay kaga Tagtay Goob Ganacsi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Columbus)-Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Faaduma Maxamed Nuuriye ayaa wiil yar oo ay dhashay oo jira sannad iyo saddex bilood kaga tagtay dukaan ku yaalla Magaalada Columbus ee dalka Mareykanka, waxaana Haweeyneyda lagu soo ooga dacwad.

Ciidanka Booliska Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay inay Faaduma Maxamed oo 20 jir ah ku soo oogeen dacwad ah in ay halis gelisay nolosha wiilkeeda yar oo ay dukaan kaga dhaqaaqday.

Booliska Gobolka Ohio ayaa abaaro 7:45 habeenimo xalay gacanta kusoo dhigay Haweeneyda Soomaalida ah ee dukaanka kaga dhaqaaqday wiilkeeda yar, kaddibna waxaa la geeyay Saldhiga Booliska Columbus.

Laamaha amniga ayaa su’aalo weydiiyay Faaduma Maxamed Nuuriye oo ku eedeeyeen inay wiilkeeda yar ka tagtay, isla markaana waxaa Booliska ay Faaduma kusoo oogeen dacwad la xidhiidha khatarta ay gelisay wiilka yar.

Sababta ku kaliftay Faaduma Maxamed inay wiilkeeda goob dukaan ah oo gaaskana laga iibsado ugaga takto weli lama shaacinin, Ciidamada Booliska ayaana shalay baadi-goob ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen waalidka wiilka yar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this