Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo lagu wado in uu Todobaadkan dib ugu laabto Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan dib ugu laabto Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni oo 29-kii January u safray magaalada Nairobi ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u jooga arrima siyaasadeed oo la xiriira Doorashadada Soomaaliya.

Faahfaahin lagama hayo cidda uu Nairobi kula kulmay iyo waxa si hoose looga wada-hadlay marka laga reebo in Safarkiisu salka ku hayo Arrima Siyaasadeed.

Siciid Deni oo u sharraxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay olole ugu jira hirgelinta damaciisa Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo lagu wado in uu Todobaadkan dib ugu laabto Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this