Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska oo ka warbixiyay Rasaas xalay laga maqlay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Ilyaas.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyay Rasaas xooggan oo xalay saqdii dhexe laga maqlay Caasimadda Garoowe.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud oo hadal kooban siiyay Puntland Post ayaa sheegay in Rasaastaas dhexmartay Booliiska oo hawlgal ku jiray iyo Cabtooy hubaysan.

G/sare Ilyaas ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka labada dhinac oo ka dhacay nawaaxiga buundada dhinaca bari ka xigta magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha ka ganacsada Khamriga oo sida uu sheegay halis ku ah Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST

The post Booliiska oo ka warbixiyay Rasaas xalay laga maqlay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this