Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Cajiib Ah: Abiy Ahmed Iyo Itoobiya Oo Dhabarka U Jeediyay Farmaajo Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Soomaaliya ayaa Khamiistii lagaga adkaaday tartan ay u gashay inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika kadib doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta ururka.

Soomaaliya ayaa kursigan kula loolantay Jabuuti oo heshay 19 cod halka Soomaaliya ay ka heshay 13 cod. Jabuuti ayaa kursigan ku fadhin doonta illaa sannadka 2025.

Hase yeeshee, codeynta ayaa waxaa kasoo baxday arrin yaab leh kadib markii Itoobiya ay u coddeysay Jabuuti. Ma ahan kaliya in Itoobiya ay u codeysay Jabuuti, ee waxay sidoo kale u gashay olole xooggan oo ay dalalka kale taageero uga raadisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan Itoobiya ku garab istaagtay masraxyo caalami ah.

Waxaa ugu dambeeyey oo ay Soomaaliya kasoo horjeesatay codeyn uu Golaha Xuquuqda Aadanaha QM u qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah oo baadhitaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya, taasi oo Farmaajo uu ku garab istaagay Abiy Ahmed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale dhowaan sheegay in Farmaajo uu diiday in diyaarad millatari oo Masar ay leedahay ay gargaar caafimaad usoo qaado Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qaba in Abiy Ahmed u arko inuu xulufo la yahay Masar.

Haddii Farmaajo uu gaadhay in xitaa gargaarkii Soomaaliya uu u diido cabsi uu ka qabo Abiy iyo inuu lumiyo saaxiibtinimadiisa, Abiy kama gaban inuu eego danta dalkiisa uuna taageero Jabuuti.

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan ayada oo inta badan badeecadaha dalka Itoobiya la geeyo ay kasoo degaan Jabuuti, sidaas darteedna Abiy wuxuu Jabuuti u arkaa inay uga muhiimsan tahay Soomaaliya. Sidaas darteed Abiy Ahmed wuxuu eegtay dantiisa.

Balse su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah danta ay Abiy iyo Itoobiya u hayaan Soomaaliya ee Farmaajo mar walba u garab taagan yahay, marka laga reebo inuu doonayey in ciidanka Itoobiya ay ka caawiyaan inuu dalka ku qabsado balse ku fashilmay.

Abiy wuxuu Farmaajo tusay qiimahiisa, Farmaajo ma leeyahay indho kuu arko.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this