Deeq A. Posted February 5, 2022 (SLT-Hargeysa)-Hargeysa xalay waxa ka dhacay kulan ay ka qayb galeen siyaasiyiin uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Adaan Qabyo-tire, Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),Cali Siciid Raygal, Daud Xuseen Jamac (FoodCade), Xildhibaano isugu jira xildhibaanadii hore iyo kuwa hadda ee Golaha wakiilada, aqoonyahan, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween. Kulankan oo warbaahintu Dibad-joog ka ahayd ayaa xubno joogay sheegeen in ujeedadiisu ahayd wada-tashi iyo isxog-waraysi guud oo ku saabsan siyaasadda Somaliland ee xilligan. Source Share this post Link to post Share on other sites