Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Ciidamada Ammaanka iyo Koox Isticmaasha Maandooriya Oo Ku Dagaalamay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay israsaaseyn gudaha magaalada ay ku dhex martay ciidamada Puntland iyo kooxa hubeysan oo isticmaalayay maandooriyayaal.

Israsaaseynta aya ka dhacday agagaarka buundada dhinaca bari ee magaalada Garowe, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada iyo kooxaha ay daqiiqado badan is weeydaarsanayeen rasaata.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka balse Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa sheegay in xilli ay ciidamada howlgallo ku jireen ay la kulmeen kooxahan.

Taliye Ilyaas ayaa sidoo kale sheegay in ay marwalba u taagan yihiin sidii kooxahaan isticmaala waxyaabaha maanka dooriya magaalada looga sifeeyn lahaa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this