Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee xarigga loo geystay wasiirkii hore ee Difaaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa muddo saacado ah lagu xiray wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, kaas oo hoteelkii uu deganaa lagala baxay.

Wararka ayaa sheegaya in saacado kadib lasii daayey wasiir Cabdirashiid oo ay hoteelkii uu deganaa ay kasoo wateen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Galbeed.

Sii deynta wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ayaa timid, kadib cadaadis la saaray maamulka Lafta Gatreen iyo sidoo kale dadaallada ay sameeyeen odayaasha dhaqanka.

Cabdirashiid Maxamed Cabdullahi ayaa shalay tegay Baydhabo, isaga oo u sharraxan kursiga HOP#197, si uu ololihiisa doorasho uga bilaabo halkaasi.

Xariggiisa ayaa loo sababeeyey inay ka dambeyso siyaasad, maadaama uu ka mid yahay siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee mucaaradka ku ah Lafta Gareen.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale weli dhankiisa kama uusan hadlin wasiirku xarigga laoo geystay, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aaday uu la hadlayo wariyeyaasha, si uusiiyo warbixin dhameystiran.

Si kastaba, Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed ayaa bilihii bilihii u dambeeyey ka maqnaa dalka, wuxuuna ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, isaga oo haatan dib ugu soo laabtay dalka, si uu qayb uga noqdo loolanka loogu jiro doorashada.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee xarigga loo geystay wasiirkii hore ee Difaaca appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this