Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1643980711081.jpg?resize=720%2C59

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay wasiiro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo safiirka Soomaaliya u jooga dalka Itoobiya danjire Cabdullaahi Amxed Jaamac (Ilka-jiir).

Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo ay ka qayb galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso qaaradda Afrika.

Wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweyne ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa shirweynahan Midowga Afrika.

FB_IMG_1643980671185.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1643980713468.jpg?resize=720%2C589 FB_IMG_1643980695109.jpg?resize=720%2C55 FB_IMG_1643980707843.jpg?resize=720%2C51 FB_IMG_1643980717097.jpg?resize=720%2C55 FB_IMG_1643980723832.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1643980729797.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this