Deeq A. Posted February 4, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay madaxtooyada, Farmaajo ayaa halkaas uga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika, ee sanadkiiba mar la qabto. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19. Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu dambeeyey ee uu Farmaajo ka qeyb-galo haddii aan dib loo dooran, ayada oo Soomaaliya la filayo inay sanadkan yeelato madaxweyne cusub. Qabashada shirkan ayaa muhiim u ah ra’iisul wasaraaha Ethiopia iyo “walaalka” Farmaajo Abiy Ahmed, sababtoo ah waxay muujin doontaa inay xasilloonida dib ugu soo laabaneyso dalka Ethiopia oo muddo sanad iyo bar ku dhow ay ka socdaan dagaallo sokeeye. Dhowr bilood kahor, waxaa diblomaasiyiinta Reer Galbeedka ay ka digayeen in mucaaradka Ethiopia ee Tigray ay qabsan karaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, taasi oo keentay inay shaqaalahooda kala baxaan. Si katsaba, xaaladda dagaal ayaa isbedeshay kadib markii ay Tigray-ga dib u gurteen kuna laabteen gobolkooda, taasi oo dolwadda nafis siiyey, islamarkaana soo afjartay cabsidii laga qabay inay la qabsado Addis Ababa. The post Madaxweyne Farmaajo oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites