Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo sano kadib Qoor Qoor oo u abaal guday 9 ka mid ah 11-kii xubnood ee dhistay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – 2 Bisha January Laba Sano ka hor Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo wasiiru dowle ka ahaa xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo doortay hoggaanka Galmudug. Doorashada Qoor Qoor iyo dhismihiisaba waxaa si weyn ugu kala qeybsamay xildhibaanadii heer Federaal ee kasoo jeeday Galmudug.

Xubnahaas waxay qaar raaceen musharixiin kale halka qaarna ay Qoor Qoor ay dul saarteen kaarkooda kuwaas oo sidoo kale garab buuxa ka heystay madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashadii Galmudug ee 2020 waxay aheyd wajiyo badan, ka sokow inuu dhacayey isbadal hoggamineed oo xagga maamulka ah haddana waxay dhinacyada isha ku hayeen doorashada heer Fedraal, maadaama uu maamulkaas gacanta ku hayo doorashada 37 Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka iyo 8 Senator.

Maamulka Villa Somalia ujeedkooda wuu caddaa  waxaase xoogaana loolanka xildhibaanada kasoo jeedo deegaanka. Waxaa jiray tiro xildhibaano ah oo xoogooda isugu geeyey inay Qoor Qoor dhisaan iyaguna uu dhiso xilliga doorashada Federaalka ah.

Haddaba 2 Bishaan waxay ku aadaneyd sanad guuradii Labaad ee doorashadii Axmed Qoor Qoor, waa waqti ay dhinaca kale socoto doorashada heer Federaal.

Laba Sano kadib su’aasha la is waydiinayo waxay tahay Qoor Qoor ma dhisay xubnihii isaga dhisay Laba Sano ka hor oo ma u abaal guday.

Waxaa Shalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu doortay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow kaas oo kusoo laabtay kursigii uu ku fadhiyey ee HOPP#49. Mustaf wuxuu kamid ahaa xubnihii Tiir dhexaad u ahaa inuu Qoor Qoor madax ka noqdo Galmudug.

Mustaf wuxuu ku biiray liiska xubnihii uu Qoor Qoor dib ugu abaal guday. Siyaasadda Soomaaliya waa naadir inaad aragto qof aad dhistay oo isna Berri ku dhisaya.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer waxay ahaayeen Seddexda qof ee lagu tijaabinayey saaxiibtinimada sayaasadeed ee Qoor Qoor.

Seddexdaan Nin iyo hoggaamiyaha Galmudug waxay macaamilayeen 20-kii Sano ee lasoo dhaafay, waxay ahaayeen Seddexdii siyaasi ee ugu horeysay ee bannaanka u istaagtay inay Qoor Qoor ku dhisaan xilka hoggaamiyaha Galmudug.

Maanta Seddexdaba waa heleen Kuraastoodii, Dhagey Geelle Aqalka Sare ayuu qaatay haddana waa iska casilay oo wuxuu qaatay Kursi Golaha Shacabka ah, halka Mustaf iyo Dhagdheer ay boosaskoodii kusoo laabteen.

Inaad Seddexdaan xubnood ku aragto Liiska ugu horreeya ee xildhibaanada ka imaanaya Galmudug waa xaalad u wanaagsan dariiqa siyaasiga ah ee Qoor Qoor.

Senastor Zamzam Daahir waxay kamid aheyd xubnihii xoogga badan geliyey dhismihii Qoor Qoor iyadoo weliba la xasuusto in siyaasiyiinta waaweyn ee Beesheeda ay diidan yihiin ka qeybgalka dhimsha cusub ee Galmudug.

Kuma khasaarin halgankeedii oo Qoor Qoorkii ay Shalay dhistay ayaa iyadana Maanta soo dhisay oo soo siiyey kursigeedii Aqalka Sare, iyadoo weliba si weyn loola dagaashan yahay.

Liiska Dadka Qoor Qoor wax ka dhistay ee Kuraasta soo qaatay waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, Xildhibaan Duniya Maxamed Cali, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid , Senator Cabdixakiim Macalin Axmed iyo Senator Saciid Siyaad Shirwac.

Dhammaan xubnahaan waxay kamid yihiin kuwii xoogooda isugu geeyey inuu Axmed Qoor Qoor noqdo hoggaamiyaha Galmudug isaguna hadda dhammaantood wuxuu kasoo dhigay xildhibaano Golaha Shacabka ah iyo Senetaro.

9 kamid ah 11-kii XIldhibaan ee u istaagtay inay Qoor Qoor dhisaan ayaa dib usoo helay Kuraastoodii Aqalka Sare iyo kuwoodii Golaha Shacabka.

Inuu Qoor Qoor u abaal guday xubnihii isaga dhisay waxay hoggaamiyaha Gamudug ku sunteysaa inuu yahay Nin saaxiibtinimada iyo abaalkaba ku wanaagsan xilli ay u buuxsantay Laba Sano oo uu xafiiska joogay.

The post Labo sano kadib Qoor Qoor oo u abaal guday 9 ka mid ah 11-kii xubnood ee dhistay. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this