Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil shan jir ah oo dhawr maalmood ku xanniban gunta hoose ceel uu ku dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil shan jir ah oo dhawr maalmood ku xanniban gunta hoose ceel uu ku dhacay

Rayaan

Dadaallo lagu soo badbaadinayo canug yar oo reer Morocco ah oo ku dhacay ceel biyood u dhow magaalada Shefshaawan ayaa haatan ku dhow gebogebo.

Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshaawan.

Rayaan ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhacay ceel dheerarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir, isaga oo marar ceelka afkiisa oo aad ciriiri u ah.

Hawlgallada samatabixinta ayaa socday ilaa fiidnimadii Talaadada.

Afhayeenka dawladda Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in hawlaha lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.

“Dareenkayagu waxa uu la jiraa qoyskiisa, waxaanan ka ugu duceynaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu ugu soo laabto,” ayuu yiri Mustafa.

Inkastoo uu ceel aad u dheer ku dhacay, haddana muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan dhaawacyo fudud oo madaxa ah.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wiilkaasi u dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.

Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

Rayaan

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrameysa in maamulka gobolka ay kormeerayaan isku dayga samatabixinta wiilkan yar, waxaana hawlgalkaasi qeyb ka ah tiro ciidamada booliiska ahi iyo dhamaan qeybaha kale geddisan ee ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

Maxamed Yaasiin El Quahabi, oo ah madaxa urur ka shaqeeyo arrimaha godadka iyo buuraha ayaa ka qayb qaadanayay gurmadka socda, wuxuuna BBC-da u sheegay in afka ciriiriga ahi ee ceelkaasi uu caqabad ku noqotay dedaallada samatabixinta.

Waxa uu intaa ku daray in isku dayo dhowr ah oo ay sameeynayeen mutadhawiciinta maxalliga ahi iyo shaqaalaha samatabixinta ayaa horey loogu guuldareystay.

“Dhibaatada ayaa ah in dhexroorka duleelka ceelkani uu aad iyo aad u yar yahay, qiyaastii waa 25cm,” ayuu yiri El Quahabi. “Ceelku markii uu gaaray 28 mitir ayuu noqotay mid aad u yar oo ciriiri ah, marka waanu gaari weynay wiilka yar.”

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya shan cagaf-cagaf oo qodaya dhul ballaaran oo ceelka laga garab qodayo, si la isugu dayo in la ballaariyo gudaha ceelkaasi.

Fiidnimadii xalay, shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in ay qodeen ilaa 24 miitir, walina in ku dhow lix mitir ay u harsan tahay in la gaaroo wiilkaasi.

El-Quahabi ayaa BBC u sheegay in sida kaliya ee waalikan ay ku soo samatabixin karaan ay tahay in ay qodaan ceelka garabkiisa.

Balse mas’uuliyiinta ayaa ka walaacsan suurtagalnimada in ceelkaasi uu ku dumo wiilka yar haddii gidaarradiisa la qodo.

Halkudhigga “badbaadiya Rayaan” ayaa qabsaday baraha bulshada ee gobolkaasi woqooyiga Afrika oo uu ku jiro dalka deriska ah ee Aljeeriya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this