Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Dambayn Ninkii Nabinimada Sheegtay Oo Xabsiga La Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Beirut)- Xukuumadda waddanka Lubnaan ayaa xabsiga dhigtay si degedeg loogu diyaariyo dacwaddii ka dhanka ahayd Nahs’at Mansuur oo ahaa ninkii dhawaan nabinimada sheegtay kaasi oo ay xeer ilaalinta waddankaasi ka soo gudbiyeen dacwad ka dhan ah qiyamka diiniga ah ee islaamka iyo wax ka soo hor jeeda curfiga dadka dalkaasi Lubnaan ee kala diimaha iyo kala madhabaha ah.

Nin sheeganaya inuu yahay Nabi waxyi ku soo dago yaa lagu xidhay dalka Lubnaan, waxaana lagu eedeeyay inuu Nebinimo sheegtay, isla markaana aflagaadeeyay dalka Masar oo xukuumadda waddanka Lubnaan ku sheegtay waddan ay saaxiibbo yihiin loona baahnayn in lagu eedeeyo waxa uu ninkani ku eedeeyey sidaa darteed ay xabsiga dhigeen kuna dhawaaqeen in degdeg loo maxkamadayn doono marka la isku dubba rido eedaymaha u yaalla oo dhan.

Nash’at Mounzer ayaa kasoo muuqday muuqaalo lagu baahiyey baraha Bulshada isagoo sita qori alwaax ah, wajigana rinji lagaga xardhay waxa uuna sheegay in samada looga soo diray farriimo. Uuna yahay nin bushaaro weyn u sida dhammaanba dadka adduunka ku nool wakhtigan arrintaasi oo aad dadka uga cadhaysiisay laguna qaadaa dhigay baraha Bulshada. Wadaaddada Lubnaan ayaana ku baaqay in tallaabo laga qaado ninkan tasi oo keentay in markiiba xeer Ilaalintu dacwad ka gudbisay sidaana ugu dambayn lagu soo qabtay oo xabsiga la dhigay.

Ma cadda aqoonsiga iyo dhalashada Nashat Mounzer, Waxaase ninkan loo malaynayaa in uu dhalasho ahaan ka soo jeedo waddanka Lubnaan balse lama sheegin wali dhalashadiisa rasmiga ah inkastoo ay jiraan warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegaya in uu durbaan ka garaacayay goob khamaarka lagu ciyaaro oo ku taal Lubnaan. Bishii July ee sannadkii 2020-kii ayay ahayd markii nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli ay dhageysiga dacwaddiisu ka socday magaalada waqooyiga ku taalla ee Peshawar.

Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay Nabi. Haddii aynu Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil. Inkastoo wali aanay jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar. Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah. Balse dhinaca kale ninkan Lubnaan lagu qabtay isaga lama oga waxa uu xukunkiisu noqon doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this