Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta Maanta Lagu Doortay Dhuusa-mareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka goboleedka Galmudug  lagu qabtay doorashada afar kamid ah kuraasta golaha shacabka .

Kuraastaa maanta lagu doortay ayaa kala kuraasta tirsigoodu yahay HOP#049, HOP#051, HOP#061 iyo HOP#139.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#139 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdisamad Macali Maxamuud, kaas oo ku guulaystay codad gaaray 101 cod oo gacan tag ah, kadib markii ay tanaasushay Xamdi Cali Shire.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#051ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur  kaas oo 81 cod uga guulaystay musharrax Maxamed Geedi Cawaale oo helay 14 cod  .

3:  Kursiga tirsigiisu yahayHOP#49 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Mustafe Sheekh Nuur Dhuxulow, kaas oo 68 cod kaga guulaystay musharraxiinta kala ah Cabdullaahi Cabdi Guutaale oo helay 21 cod, Jamiila Cali Xeyle oo heshay 5 cod iyo Cabdinuur Ciise Xiirey oo helay 0 cod.

4:  Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 61 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Dayax Axmed Cumar, kadib markii uu ka tanaasulay tartanka Cabduqaadir Abuukar Cabdi, waxaana musharrax Dayar loogu codeeyey gacan taag 101 ayuu helay.

Kuraasta manta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kamid noqonayaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu wado in doorashadiisa ay soo idlaato 25 bishaan February  2022-ka.

272927021_322358179820718_22859251571229272973534_322330946490108_57940396099540 273190679_322371669819369_79940028851368273223312_322285489827987_85320730135872

May be an image of 3 people, people standing and indoor

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this