Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Dhuusamareeb.

Doorashada la qabtay oo ah illaa afar kursi ayaan loo gelin tartan adag, waxaana kusoo baxay musharixiin si gaar ah loogu xiray.

Xubnaha soo baxay ayaa kala ah: 1- Cabdisamad Macalin Maxamuud Xasan oo ku soo baxay kursiga HOP#139, waxaana dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca.

2- Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo markale ku guuleystay kursiga HOP#049, wuxuuna haatan ka tirsan yahay musharixiinta mucaaradka.

3-Xuseen Maxamed Nuur ayaa kusoo baxay kursiga saddexaad ee HOP#051, waana guddoomiye ku xigeenkii hore ee maaliyadda ee gobolka Banaadir.

4-Dayax Axmed Cumar oo ah nin dhalinyaro ah ayaa isna ku guuleystay kursiga afaraad ee HOP#061, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Tallaabada ay qaaday Galmudug ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii Muqdisho ee laga gaaray dardargelinta doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

272990363_322376449818891_22880504260831 273190679_322371669819369_79940028851368 272973534_322330946490108_57940396099540 Cabdisamad.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Dhuusamareeb? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this