Deeq A. Posted February 3, 2022 Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ku ridday nin lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Cawl, kaas oo oo Garoowe lagu dilay 30/9/2021-kii. Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere), kadib markii lagu helay dilka Bootaan Cawl oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada badda ee PMPF. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse (Afdheere) uu dilay marxuumka, iyada oo dalbatay in dil lagu xukumo. Sidaas daraadeed maxkamadda ciidamada Puntland ayaa toogasho ku xukuntay Maxamed Afdheere, kadib fadhiyo kala duwan oo ay ka yeelatay dacwaddiisa. Dhinaca kale maxkamadda ayaa digniin adag u dirtay askarta dowladda, waxayna fartay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fal dambiyeed dil ah. Ehellada marxuum Bootaan Cawl oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda, iyaga oo u mahadceliyey dowlad goboleedka Puntland. Puntland ayaa horey xukuno adag uga soo saartay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka maamulkaasi, ayada oo ujeedka ku sheegtay yareynta dambiyada dilalka. The post Puntland oo xukun adag kasoo saartay dilkii Bootaan Cawl appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites