Deeq A. Posted February 3, 2022 Wariye Coldoon Maxkamadda gobolka Maroodijeex (Waqooyi Galbeed) ee Somalind ayaa maanta sheegtay in ay wax danbi ah ku wayday wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa ku xirnaa tan iyo bishii Agoosto 2021. Dacwada wariye Coldoon ayaa Hargaysa ka socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, isagoo ku eedeysnaa xuquuqdiisa xorriyadda hadalka. Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa Somaliland xirtay markii uu ku ololeeyay in Xarunta Dhaqanka Hargeysa lagu marti qaado dad u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah xliliyada bandhiga buugaagta iyo in dugsiga Abaarso lagu faafiyo dhaqamada Masiixiga. Maamulka Somalialnd ayaa marar badan xiray wariye Coldoon oo sidoo kale ah samafale gacan siiya dadka tabaalaysan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Coldoon danbi ku wayday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites