Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Go’aan Kasoo Saartay Dacwada Wariye Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa sheegtay in ay wax danbi ah ku wayday, eedaysane Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo 19, Augusta, 2021 laga soo xidhay magaalada Burco, kadib markii lagu eedeeyay in uu been abuur ka faafiyay dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

Xeer ilaalinta, ayaa la sheegay in ay racfaan ka qaateen xukunka Maxkamada Gobolka Maroodijeex, kadib markii ay ku qanci waayeen, qaraarka maxkamada oo gabi ahaanba Coldoon ka dhigaya danbi laawe.

Dacwada Coldoon ayaa maxkamada ka socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo dhibanayaashu ay maxkamada ka hor akhriyeen eedaha ay u haystaan Coldoon, sidaa si lamid ahna Coldoon, ayaa isna dhankiisa iska difaacay eedaha losoo jeediyay.

Xadhiga Coldoon ayaa yimid kadib markii, ay dacwadi kaga timid, Shabakada Dugsiyada Abaarso, iyo waalidiinta carruurtoodu wax ka barato oo Coldoon ku eedeeyay in uu ka been abuuray kadib, markii uu sheegay in “diinta masiixiga lagu faafiyo dugsiyada Abaarso”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this