Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa aynu haysnaa fursad aynu ku bedeli karno….

Recommended Posts

Deeq A.   

𝗪𝗔𝗫𝗔 𝗔𝗬𝗡𝗨 𝗛𝗔𝗬𝗦𝗔𝗡𝗔𝗔 𝗙𝗨𝗥𝗦𝗔𝗗 𝗔𝗬𝗡𝗨 𝗞𝗨 𝗕𝗔𝗗𝗘𝗟𝗜 𝗞𝗔𝗥𝗡𝗢 𝗛𝗔𝗕-𝗗𝗛𝗔𝗤𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 𝗘𝗘 𝗤𝗔𝗕𝗜𝗜𝗟𝗞𝗔 𝗞𝗨 𝗧𝗔𝗔𝗚𝗔𝗡

Siyaasada Somaliland waxa ay salka ku haysa qabiil iyo beelaysi waxaana uu soo taxnaa nidaamkaasi ilaa markii ugu horeysay ee aynu dawladnimo hindisno oo laga joogo 61 sanadood oo gaw ah.

Maynaan keenin hal abuur iyo aragti siyaasadeed oo badesha hab dhaqanka siyaasiga ah ee gaboobay ( old political culture ) waxaaba aynu ka dhiganay sune la isaga daydo in nidaamkaasi hore lagu socdo oo marba marka ka dambaysa sii foolxumaanaya.

Dadkii hore ama inta ku shaqeysa qaab siyaasadeedkan kaliya waxa ay u isticmaalaan danahooga siyaasadeed iyo in ay awrka ku kacsadaan mana jirto wax uu ka xumeeyaa laakiin marka dadka shacabka ah la dhex keeno waxa uu abuuray colaad , faham daro , qoqob , qaybsanaan , iyo is haaraamid joogto ah.

Waxa aynu joognaa xili aan is leeyahay waxa aad keeni kartaan hal abuur siyaasadeed oo uu dalku ku caano maalo , sidoo kale aynu siyaasada geeska iyo gobolkaba wax weyn kaga badelno , waana la keeni karaa aragti ka farshaxanimo sareysa hab fekerka maanta yaalla.

Dawladnimada iyo nidaamka siyaasadeed ee dalku waxa uu ahaa in uu ina walaaleeyo , iskeen jeclaysiiyo ,danaheena inagu foofiyo maadaama aynu nahay bulsho isku dan iyo duruuf ah oo aynaan ka dhaxlin cunfi , nac , qabyaalad , qaybsanaan iyo wax waliba oo ku xun wada noolaanshaha dadka jamhuuriyada Somaliland.

Kuma sii jiri karno hab-dhaqanka noocan ah , mana soo wado wax horumar ah oo la taaban karo iyo dawladnimo ah noocii aynu doonaynay ee duurka u galnay ee aynu u waynay boqolaalka kun ee qof , umadani waxii hanti iyo maal ay qarniyo lahayd u baaba’een , hadii aynu wadada maanta sii hayno waxa laga yaabaa in ay mar labaad inagu celiso halkii aynu soddon sanadood ka hor taagnayn iyo waxii aynu diidanayn.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this