Deeq A. Posted February 2, 2022 Waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhammaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda 28-tan guuradooda laga joogo maalintii la aasaasay Ciidanka Qaranka oo difaac iyo deyrba u noqday Qarankeenna JSL. Waxa aan sida oo kale hambalyo u dirayaa dhammaan Taliyayaasha Ciidanka kala duwan ee hoggaanka u haya Ciidanka, saraakiisha, saraakiil-xigeennada, qoysaskooda, ubadkooda iyo naafada Ciidanka Qaranka oo aan leeyahay samo ku waara. Waxa aan u rejaynayaa Ciidan weynaha Qaranka Somaliland in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan nabad & xasillooni. #Hambalyo28. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites