Sign in to follow this  
Deeq A.

6 Kursi Oo Garowe Lagu Doortay, Akhriso Yaaku Soo Baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa manta lagu doortay afar kursi oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas deegaan doorashadoodu tahay deegannada maamulka Puntland.

1 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Faarax Nuur oo ku guuleystay 98 cod, Halka  Ruweyda  Ruweyda Maxamuud Maxamed ay heshay 1cod, halka 2 codna ay halaabeen.

2 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#94 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 cod, halka  musharrax marwo Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod.

3 :Kursiga tirsigiisu yahay HOP#121 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Farxiyo Yuusuf Cumar oo heshay 101 cod, halka  musharrax Naciimo Cumar Cabdi ay ka tanaasushay musharaxnimadeedii.

4 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#114 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Daa,uud Cabdi Xakiin Sheekh Cumar oo helay  90 cod, halka  musharrax xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay helay 3 cod.

5Kursiga tirsigiisu yahay HOP#75 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed oo helay 98 cod, halka musharrax xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Cilmi uu ka tanaasulay tartanka .

6 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#175 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Khadra Axmed Maxamed oo heshay 101 cod, halka ay tartanka isaga hartay Leyla Cabdi Faarax .

Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Garowe ayaa waxaa ay kamid noqnayaan Baarlamaanka 11-aad, kaas oo doorashadiisa ay si weyn uga socoto dalka, waxaana lagu wadaa in lasoo idleeyo doorashadooda 25 bishaan aan ku jirno sanadka 2022.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this