Deeq A. Posted February 2, 2022 Magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa manta lagu doortay afar kursi oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas deegaan doorashadoodu tahay deegannada maamulka Puntland. 1 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Faarax Nuur oo ku guuleystay 98 cod, Halka Ruweyda Ruweyda Maxamuud Maxamed ay heshay 1cod, halka 2 codna ay halaabeen. 2 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#94 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 cod, halka musharrax marwo Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod. 3 :Kursiga tirsigiisu yahay HOP#121 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Farxiyo Yuusuf Cumar oo heshay 101 cod, halka musharrax Naciimo Cumar Cabdi ay ka tanaasushay musharaxnimadeedii. 4 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#114 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Daa,uud Cabdi Xakiin Sheekh Cumar oo helay 90 cod, halka musharrax xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay helay 3 cod. 5Kursiga tirsigiisu yahay HOP#75 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed oo helay 98 cod, halka musharrax xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Cilmi uu ka tanaasulay tartanka . 6 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#175 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Khadra Axmed Maxamed oo heshay 101 cod, halka ay tartanka isaga hartay Leyla Cabdi Faarax . Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Garowe ayaa waxaa ay kamid noqnayaan Baarlamaanka 11-aad, kaas oo doorashadiisa ay si weyn uga socoto dalka, waxaana lagu wadaa in lasoo idleeyo doorashadooda 25 bishaan aan ku jirno sanadka 2022. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites