Deeq A. Posted February 2, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada laba kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar. Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa ah HOP#70 iyo HOP#115, waxaana lagu wadaa in doorashadoodu ay dhacdo todobaadka soo socda. Labadaan kursi ayaa waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay hirshabeelle xildhibaanada kala HOP#70: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Aadan Cali Xasan HOP#115: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites