Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ayaa maanta waxay ku dileen magaalada Muqdisho askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan waaxda Canshuraha ee lagu magacaabo Minashiibiyo.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee gbolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn halka lagu magacaabo Kaawada ee xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi, dilka ayaa waxaa geystay dhallinyaro ku hubaysnaa Bastoolado.

Kooxiihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana wararku ay intaas ku darayaan in askariga la dilay horay uga qaateen qori uu watay oo ahaa nuuca loo yaqaano AK47, waxaana goobta durbaba soo gaaray goobta ciidanka dowladda.

Ciidanka ayaa qaaday meydka askariga la dilay waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaan kooban wallow aan la shaacid cid ciidanku ay usoo qabteen dilka ka dhacay degmada Kaaraan ee loo geystay askariga ka tirsan waaxda Canshuuraha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this