Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Maxamed Bin Saayid

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16437607786332490.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Saayid Al-Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Saayid ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheekh Maxamed Bin Saayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Saayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Saayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Maxamed Bin Saayid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this