Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada lix kursi oo Garoowe ka socota iyo cidda ku soo baxaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka ka socota magaalada Garoowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland ayaa shalay dhammaystiray dhammaan shuruudaha iyo habraacyada Doorashadaas.

Tartanka Doorashada waxaa la soo dhejiyay 12 musharrax waxaana ku soo baxaya lix musharrax oo kuraasta loo xiray halka inta kale ay malxiisyo u yihiin.

Kursiga kowaad Hop#192 ayaa la filayaa in uu ku soo baxo Maxamed Faarax Nuux halka kursiga labaad ee Hop#094 lagu wado in ay ku soo baxdo Sahra Cabdullaahi Cigaal.

Kursiga saddexaad Hop#014 waxa la filayaa in uu ku soo baxo Daa’uud Cabdikariin SH. Cumar halka kursiga afraad Hop#121 loo saadaalinayo Farxiya Yuusuf Cumar.

Kursiga shanaad Hop#174 ayaa loo saadaalinaya in ay ku soo baxdo Khadro Axmed Maxamed halka kursiga u dambeeya ee Hop#075 loo saadaalinayo in uu ku soo baxo Cabdiqani Maxamuud Maxamed.

PUNTLAND POST

The post Doorashada lix kursi oo Garoowe ka socota iyo cidda ku soo baxaysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this