Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo gaaray degaan shalay Al-shabaab weerartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland ayaa maanta gaaray degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag halkaas oo shalay Al-shabaab weerartay.

Ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan gudaha u galay degaanka Milxo islamarkaana fariisimo ciidan ka samaystay.

Dabley ka tirsan Al-shabaab oo shalay weerartay degaankaas ayaa isaga cararay ka hor inta aysan Ciidamadu gaarin sida ay xaqiijiyeen saraakiisha difaaca Puntland.

Xaaladda degaanka ayaa hadda deggan waxaana ciidamadu halkaas ka wadaan hawlgal ka dhan ah kooxaha Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo gaaray degaan shalay Al-shabaab weerartay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this