Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo safiirka UK ee Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1643802999723.jpg?resize=721%2C48

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Kismaayo ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster iyo ergayga gaarka ah ee arimaha abaaraha iyo gargaarka u qaabilsan dowlada Ingiriiska Nick Dyer.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Waxaa kulanka ka Madaxweynaha Jubaland ku wehelinayay qaar kamid ah golahiisa wasiirada oo uu kamid yahay Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cumar Jaamac, Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo Axmed Xuseen Baraki, wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha.

Cabdiraxmaan Cabdi Axmad wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka jubaland ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka ay yeesheen Madaxweynaha jubaland iyo wafdiga ay hoggaaminaysay safiir Kate Foster.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo safiirka UK ee Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this