Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Samaynayo Taliyeyaasha Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu qorshaynayo  inuu isbadal ku sameeyo taliyeyaasha ciidamada milatariga, booliska iyo sirdoonka iyada oo ay suuragal tahay in ciidamada kalena ay saamayso isku shaandhayntu.

Shabakada Somaliland chronicle ayaa ku waramaysa in Muuse Biixi isku badalayo taliyeyaasha ciidamada booliska iyo Qaranka, Nuux Taani ayaa laga yaabaa inuu taliyaha booliska noqdo halka Maxamed Saqadhi Dabagale oo markii hore milatari ahaa dib loogu celiyo ciidankiisii isaga oo noqon doona taliyaha ciidanka qaranka.

Taliye Dabagale ayaa darajadiisa uu Muuse Biixi dhawaan u dalacsiiyey Sareeye Gaas ay salka ku haysaa badalka uu ugu wareejinayo ciidanka qaranka.

sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu ku mashquulsan yahay isbadal uu ku sameeyo ciidamada, darajooyinkii uu u kordhiyey hogaanada iyo saraakiisha ciidamada booliska iyo milatariga iyo booqashadii uu ku tagay xarunta sirdoonka qaranka ayaanay daba socdaan isbadalada uu hada wadaaa.

Marka lagga yimaddo xogta ay baahisay war-baahinta somalilandchronicle.com ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this