Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo UK U Gacan Gelisay Wiil Soomaali Ah Oo Ku Eedeysan Dembi Culus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wiil Soomaali-British oo lagu magacaabo Maxamuud Siyaad Cabdixakiin ayaa laga qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo loo gacan geliyey dowladda Ingiriiska, si loogu maxkamadeeyo dalka UK.

Maxamuud Siyaad Cabdixakiin oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo da’iisa lagu sheegay 24-sanno iyo Monteiro Mangal oo ah 21-jir British ah ayaa loo heystaa dilka Alex Smith oo ahaa wiil 16-sanno jir ahaa.

Alex Smith ayaa la sheegay in raggan oo ku hubeysnaa Toorey ay ku dileen waqooyiga magaalada London 12-kii bishii Augusto ee sannadkii 2019-kii, iyagoo iskaga baxsaday London wixii ka dambeeyey markii ay geysteen dilkaas.

Booliska Kenya oo helay xogo sirdoon ayaa labadaas wiil Axadii ka soo qabtay xaafada Kilimani oo ka tirsan Nairobi, waxaana loo gacan geliyey dowladda Ingiriiska oo aad u doon-dooneysay raggan.

Sida uu baahiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya, Booliska UK waxay weli baadi goobayaan rag kale oo labadaan nin kula eedeysan dilka wiilkaas yar, sidoo kalena dhacay gaadiid laga lahaa halka uu dilkaasi ka dhacay.

Tirada guud ee ragga dilka wiilkaas ku eedeysan waa lix nin, balse waxaa ilaa hadda la qabtay Monteiro Mangal iyo Maxamuud Siyaad Cabdixakiin oo asalkiisu yahay Soomaali.

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska waxaa ka dhaxeeya heshiis ay hore u gaadheen oo dhigaya inay isusoo celiyaan maxaabiista iyo dembiilayaasha baxsadka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this