Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal ay Haweeney Madaxweyne ka tahay oo Guddoomiyaha Barlamaankana loo doortay Haweeney

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal ay Haweeney Madaxweyne ka tahay oo Guddoomiyaha Barlamaankana loo doortay Haweeney

 tanzania.jpg

Dr. Tulia Ackson ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Tanzania, arrintaas oo bog cusub u fureysa waayaha siyaasadeed ee xildhibaanaddan laga soo doortay degmada Mbeya.

Waxa ay tartan loollan adag ah uga guuleysatay siddeed murashax oo kale, iyadoo heshay 376 cod.

Dkt.Tulia waxa ay noqoneysaa haweeneydii labaad ee af hayeen ka noqota Baarlamaanka Tanzania.

Balse waxaa taas sii dheer in waddankaas ay xilligan madaxweyne ka tahay haweeney kale oo lagu magacaabo Samiya Suluxu Xasan, oo xilka qabatay markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas, bishii March ee sanadkii 2021-kii.

Samiya oo xilligaas madaxweyne ku xigeen ahayd ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay abid ee qabatay jagada ugu sarreysa dowladda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this