Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal Sugaha Abu-Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Iyo Raiisalwasaaraha Somalia Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhaxal Sugaha Xukunka Imaaradda kusoo dhaweeyey majliska Qasral Baxar.
Sida lagu sheegay warbaahinta dalka Imaaraatka Sheekh Maxamad Bin Zaayid iyo Rooble waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii loo horumarin lahaa hab faaiidu ugu jirto danaee ka labla dhala daoo daaloo. labada dhinacba danaynayaan.

Sheekh Maxamad Bin Zaayid waxa uu xukuumadda Federaalka ee Somalia uga mahadceliyey cambaarayntii weerarkii argagixisada ahaa ee ay kooxda Xuuthiyiintu la beegsadeen bartilmaameedyo rayid ah oo ku yaala dalka Imaaraatka waxaanu yidhi waxan u rajaynaya dalka iyo shacbiga Soomaalia ee aanu walaalahanahay khayr iyo horumar.

Raiisalwasaare Rooble oo hogaaminaya wafdi heerkiisu sareeyo oo ay ka midyihiin wasiirada Difaaca iyo Gaadiidka ayaa maalinti Axadi u ambabaxay booqosho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Imaaraatka waxaanu sida uu xaafiiskiisu sheegay madaxda Imaaraatka kala yeeshay sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya.
Intii uu Imaaraatka ku sugnaa waxa uu Rooble booqday Expo Dubai halkaas oo u kula kulmay raiisalwasaaraha Imaaraatka ahna Xaakimka Dubay Sheekh Msxamad Bin Raashid iyadoo ay kawada hadleen labamacadih mashid.

Raiisalwasaaraha Somalia ayaa ka masuul ah marxaladdan kala guurka siyaasadeed ah ee ay Soomaaliya xiligan ku jirto. Rooble ayaa badhtamihii bishii hore raaligalin iyo cudurdaar dawladda Imaaraatka ka siiyey mucaawimo xoog lagula wareegay sanakii 2018 isla markaana waxa uu Imaaraatka uga mahadceliyey gargaarka aadaminimo ee ay had iyo jeer u fidiso dadka reer Soomaaliya taasoo ay u dambaysay deeqdi cuntada gargaarka deg dega aheyd ee ay Imaaraatku soo gaadhsiiyeen ee loogu talogalay dadka ay abaaruhu gobolada Soomaliya ku saameeyeen.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this