Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Gabadh Somaaliyada oo la sheegay in Kansar Kelyaha looga daaweeyay oo Qaylo-dhaani ka soo yeedhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda Gabadh Somaaliyada oo la sheegay in Kansar Kelyaha looga daaweeyay oo Qaylo-dhaani ka soo yeedhay

Faadumo Cabdulqaadir

Xaaladda gabar Soomaali ah oo magaceedu yahay Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo horay looga daweeyey cudurka Kaansarka oo kalliyaha kaga dhacay ayaa la sheegayaa inuu markale xanuunka uu ku soo laba kacleeyey.

Xanuunkan oo loo yaqaanno “Wilm’s Tumo” oo gabadha kalliyaha kaga dhacay oo ay la il darneyd tani iyo bishii February ee sanadkii 2021-ka, xilligaas oo ahayd markii ugu horreysay ee xanuunka lagu arkay.

Aabbaha gabadha dhalay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamed, oo ku magac dheer “Taataa” oo BBC u warramay ayaa sheegay Gabadhan 5 jir oo horay xanuunka looga daweeyey inuu haatan cudurka ku soo noqday oo isbitaal ku yaalla magaalada Hyderbad caafimaadkeeda lagula tacaalayo.

25-kii bishan January oo ay gabadhu qaadatay dawadda irbadda ah ee lagula tacaalo xanuunka kaansarka oo loo yaqaanno Chemotheraphy balse ay maalmo kaddib xanuunsatay kaddibna dhakhtar loola cararay.

“Duhurki markay seexatay oo ay casarkii soo kacday waxay la soo kacday qufac yaryar ah xoogaha yar markay joogtayna uu qufaca ku saa’iday waxayna billaawday iney dhiig tufto kaddibna ay dhiig matagto. Qufaca iyo dhiiggana wey wada socdeen kaddibna isbitaalka ayaan ula cararnay,… baritaan marki ay dhakhaatiirtu u sameeyeenna waxay arken caabuq dhinaca sanbabbada ah kaddibna waxay seexiyeen qaybta la dhigo dadka ay xaaladdooda culus tahay ee ICU,” ayuu yiri aabbo C/qaadir C/raxmaan.

Dhakhaatiirtuna waxay sii wadeen baaritaanno kale oo ay ku ogaanayaan waxa sanbabka caabuqa (Infection) ku keenay iyo halka uu ka imanayo dhiigga ay gabadha matageyso kaddibna waxay ogaadeen inuu dhiigga ka imanayo sanbabka.

“Marki ay suuxiyeen kaddib sanbabkeeda dhacaan ayey ka qaadeen, dhacaanki ay ka qaadeen wuxuu soo saaray inuu sanbabka bidixda ah uu soo gaaray xanuunki tumor-ka ahaa saasauu xanuunki ugu soo laabtay dhinaca sanbabka bidixda ah, dhakhtarka la tacaalidda xanuunkan u qaabilsanna wuxuu ii sheegay in 2-da bishan ay u ballansan tahay in la saaro Iskaanki weynaa haddii ay xaaladdeedu fiicnaatana ay gurigeeda aadeyso.”

Balse baaritaankan dambe ee ay dhakhaatiirtu gabadhan yar ee xanuunsan ay ku sameeyeen iyo natiijada ka soo baxday ayaa baddashay rajadi qoyska iyo dhakhaatiirti gabadha bukaanka ah gacanta ku haysayba.

“Run ahaantii rajo aad u weyn ayaan ka qabnay iney gabadhan xanuunka ay ka fiicnaaneyso laakiin waxwalba sida kale ayey maalmo gudahood isugu baddaleen rajada aan ka qabnay iney xanuunka ka kacdana aad ayey u weyneyd balse amar ilaaheey baa yimid, dhinacii kallida ee xanuunka waagi hore laga helay ama laga saaray maahee dhinaca kale oo isla bidixdii ah oo sanbabka ah ayuu hal mar tagay iyada oo dawada Chemotherapy qaadaneyso welina lala tacaalayo,” ayuu yiri.

Isbitaalka Yashoda ee dalka Hindiya

ISBITAALKA YASHODA EE DALKA HINDIYA

Aabba C/qaadir wuxuu sheegay gabadha iney dhakhaatiirta u sheegeen suuxdinti ay geliyeen xilligi ay baarayeen sanbabka iney ka soo kacday balse weli maadaamaa uu oxygen ku xiran yahay ay dawooyin siinayaan si ay u huruddo oo ay dawooyinka isaga furan maadaamaa ay ilma yar tahay.

“Dhakhaatiirteedu waxay ii sheegeen sanbabka bidixda ah inuu dhiig ku furmayo uuna dhiig ku jiro marka waxay igu dhaheen 42 saacadood ilaa iyo 72 saacadood inta u dhaxeysa waxaan isku dayeynaa inaan dhiiggaasi si ku meel gaar ah u xakameyno oo aan u joojinno kaddibna leiser ayaan ku gubeynaa laakiin 72 saacadood haddii aan dhiigga celin weyno dhiigga wuxuu u gudbayaa wadnaheeda kaddibna ay xaaladdeedu sida hadda ay tahay” ayuu yiri aabbo C/qaadir C/raxmaan oo BBC u warramay.

Waxaa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen gabadhu markii ay dhiigga matageysaa iney xaaladdeedu raja lahayd maadaamaa dhiigga uu ka soo baxayey balse hadda dhiiggi soo ixi lahaa uu ku submayo sanbabka gudahiisa taasina ay tahay xaalad daweynta gabadha sii adkeyneyso.

Xaaladda xanuunka badan ee Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo 5 jir ah, ayaa soo jiidatay dad badan, iyadoo qalliin sanadki hore looga sameeyey isla-magaalada Hyderbad uuu muuqday mid soo wanaagsanaanayey.

Faadumo Cabdulqaadir

“Faadumo waa gabadheyda curadda ah, bishii February ee sanadkan ayay ahayd, annagu markii hore ma aannaan ku ogeyn xanuunka, mana aannaan fahansaneyn. Subax unbay hooyadeed u sheegtay inay caloosha xanuuneyso. Dhakhtar jooga magaalada Goldogob oo ay ku nooleyd ayaan u geynay, baaritaan kaddibna wuxuu noo sheegay inay qabto nooc kansar ah oo waliba aad u weyn,” ayuu yiri.

Dhakhaatiirka qalliinki hore ku sameysay gabadhan oo ku sugan isbitaalka Yashoda ee magaalada Hyderabad ayaa xilligaasi sheegay in bukaanka ay ku taallay buro uu cibbirkeedu yahay 30x30x30 cm, sida lagu shaaciyay bogga Indianpharmapost buradaasi oo culeyskeedu ahaa 5 Kiilo.

Markii isbitaalka la geynayayna ay ahayd mid aad u tabaryar oo marxalad adag ku jirta. Daweyn kaddib waxay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalliin lagu guuleystay oo looga jaray burada kaansarka inkasta oo xanuunka uu markale dib ugu soo noqday.

Faadumo Cabdulqaadir

Gabadha aabeheed, oo ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu qudhiisa xaalado adag ka maray arrinta qabsatay gabadhiisa curadda ah.

“Markii la ii sheegay in kansar laga helay gabadheyda, waxaan isu diyaarinayay imtixaan muhiim ah. Waxaan xasuustaa in aan saddex jeer ku dhacay imtixaankii, saddexda jeer oo kala duwanna waxaa saameyn igu yeelanayay go’aannada kasoo baxayay xaaladda caafimaad ee gabadha,” ayuu yiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this