Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo U Aqoonsaday Qadar Dal Xulafo Weyn La Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO, taas oo u ogolaaneysa in uu xidhiidh millateri iyo mid ganacsi oo ballaadhan uu dhex maro labada dal.

Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay.

Intii lagu guda jiray kulan uu Sheikh Tamim kula yeeshay Aqalka Cad Isniintii, Biden wuxuu Qatar ugu yeedhay saaxiib wanaagsan oo la isku halleyn karo.

“Waxaan ogaysiinayaa Congress-ka in aan Qatar u magacaabi doono xulafo wayn oo aan NATO ka tirsanayn si ay u muujiso muhiimada xidhiidhkeena; Waxaan u maleynayaa inay muddo dheer dib u dhacday, ”Biden ayaa ka yidhi Xafiiska Oval.

Maqaamku wuxuu Doha siin doonaa mudnaan dhaqaale iyo mudnaan ciidan oo gaar ah xidhiidhka ay la leedahay Washington.

Qatar waxay noqon doontaa waddankii labaad ee gobolka Khaliijka ka dib Kuwait oo noqda xulafada ugu weyn Mareykanka ee aan NATO ahayn.

Booqashada Sheekh Tamim ee Washington – oo ah tii ugu horreysay tan iyo markii Biden uu xafiiska qabtay January 2021 – ayaa ku soo beegantay iyada oo xiisad diblomaasiyadeed iyo mid millatari ay ka taagan tahay bariga Yurub, halkaas oo Mareykanku uu ka cabsi qabo in Ruushka uu qorsheynayo duulaan uu ku qaado Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this